462 Views

Diiwaangelinta musharixiin u tartameysa Guddoonka labada aqal oo maanta dhaceysa

Diiwaangelinta musharixiin u tartameysa Guddoonka labada aqal oo maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________


Talaado: April 19, 2022

Guddiga Guddoonka doorashada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Talaado ah Magaalada Muqdisho ka bilaabaya diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa xilka guddoonka golahaas. Iyadoo ay jiraan musharixiin dhowr ah oo u taagan qabashada guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, dhankooda Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyana diiwaangelinaya maanta musharixiinta u tartameysa xilka Guddoonka golahaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in maanta oo bishu ay tahay 19-ka April 2022-ka ay guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare bilaabayaan diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa xilka Guddoonka golaha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Maalinta Barri ah 19 April 2022, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu bilaabayaa Diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale, Guddiyada doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado haatan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa xilka Guddoonka goloyaashaas, iyagoo qorsheenaya inay guuda galaan howlaha shaqo ee la xiriira diiwaangelinta.

Doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa loo asteeyay in la qabto 27-ka bishaan, halka doorashada Guddoonka aqalka Sare la qabanayo 26- bishaan sida qorshuhu yahay, kadib markii Xildhibaanada labada gole kulan ay ka yeesheen shalay habraaca kumeel gaarka ah ee u gaarka ah doorashada guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha ku ansixiyeen si aqlabiyad leh.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post