1845 Views

Abaalmarinta la guddoonsiiyey Sahra Ceelbuur.?

Abaalmarinta la guddoonsiiyey Sahra Ceelbuur.?
____________________________________________________________________________

Talaado, 29 June [Qaranimo Online] Waxgarad isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin, saraakiil & dhalinyaro ayaa soo dhoweeyey shahaado sharaf la guddoonsiiyay Sahro Shiikh C/dulaahi Liibaan [Sahro Ceelbuur]; abaalmarintaas oo ay ku muteysatay dedaalo wax ku ool ah oo ay ka geysatay horumarinta adeegyada bulshada sida; caafimaadka, tacliinta & kor u qaadista wacyiga bulshada ku dhaqan Galmudug.

“Waxaan nahay bulsho aad ugu ooman dadka haldoorka ah weliba xilligan, waxaan ku bogaadineynaa Sahro Ceelbuur dedaalka joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dadka gobolkan haddii ay tahay hormarinta waxbarashada, daryeelida dadka danta yarta ah, isku uruurinta bulshada & Ilaalinta Xuquuqda Haweenka” Ayaa lagu yiri warsaxafadeed ay soo saareen waxgaradkaasi.

Waxgaradka bogaadiyay abaalmarinta la guddoonsiiyay Sahra Ceelbuur waxaa ka mid ah:-

Gud: Caasimada Galmudug Sh.Abdirahman Geeda Qoroow.
Gudomiyiihore Dagmada Baraawe C/dulaahi Xalane dhuxuloow.
Dr Axmed Salaad Kulmiye .
Dr Axmed Jaamac Axmed
Gud: C/dulaahi C/risaaq Jaamac.
Gud: Daahir Cabdi Rooble
Sh Xassan Maxamed Carab
Gen:Abdi Nuur Abdulaahi ciidle.
Ugaas Daahir Axmed Xirsi
Daahir Xiimaay.
Abwaan: Gureey xasan Xuseen .
Eng Axmed Aaden Rooble.
Abshiro Abdi Rooble Eedo Ehlu sharaf.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post