1053 Views

Kenya oo ku dhawaaqday magaca ninka Al-Shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka

Kenya oo ku dhawaaqday magaca ninka Al-Shabaab u qaabilsan weerarrada Xadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Ciidanka booliska dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay Magaca Shaqsiga Al-Shabaab u qaabilsan weerarada ka dhaca Xadka ay wadaaggaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

 

Waxa ay sheegeen in lagu Magacaabo Cabdullahi Banati oo ah Soomaali, islamarkaana dhowr jeer uu amray weeraro lala beegsaday Ciidanka Booliska Kenya ee ka howlgalla Sohdinta Soomaaliya iyo kenya.

 

Booliska waxa ay sheegeen in Cabdullaahi Banati uu hoggaaminaayay weerar horaantii bishaan ka dhacay degaanka Dhamajaale ee duleedka Libooyo , waxaana weerarkaasi lagu dilay 11 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya oo halkaas ka waday howlgal amni sugid ah.

 

Ugu dambeyntii waxa ay xustay Warbixinta Booliska in Cabdullahi uu qorsheeyay weerarkaasi isaga oo taageero ka helay qubaro dhinaca Miinooyinka ah oo ku sugan Xerada Dhadhabaab sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment