993 Views

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday isku soo baxyada

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday isku soo baxyada
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada wasaaradaha qaabilsan ka hortagga Cudurka Cronaviur ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay bahda Caafimaadka dalka, taas oo ku saabsan cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay Go’aano kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo la xiriira cudurka Coronavirus, oo maalmihii la soo dhaafay kiisas cusub laga helay Soomaaliya, waxaana Go’anada kamid ah.

1: In dhamaan la fasaxay Shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa muhiimka u ah Shaqada.

2: In Shaqaalaha & dadka kale ay xirtaan afxirka ee ( MASKA) sidoo kalena ay badiyaan kala foganshaha.

3: In la yareeyo isku socodka dadka sida safarada, sidoo kale masaajida lagu dadaalo kala foganshaha iyo xirashada afdaboolka.

4: Dhamaan Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray inay fuliyaan go’aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qodobka ugu muhimsan oo dadka Soomaliyeed ay isha ku hayeen ayaa ah kan ku saabsan mamnuucida isku soo baxyada maadaama Musharixiinta mucaaradka ay qorsheeyeen Jimcaha in la qabto banaanbax looga soo horjeedo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post