1899 Views

215 qof oo ku dhintay weeraro ka dhacay magaalada Sweida

215 qof oo ku dhintay weeraro ka dhacay magaalada Sweida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2018 – Warbaahinta dalka Suuriya ayaa xaqiijisay in Ugu yaraan 215 qof ay ku dhinteen weeraro ka dhacay koonfur galbeedka dalka Suuriya.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS oo bartilmaameedsaday goobaha ay dowlada haysato.

Dadka ugu badan ayaa ku dhintay Dhowr qarax oo ismiidaamin ah oo lala bartilmaameedsaday magaalada Sweida.

Maleeshiyaad maxali ah ayaa waxay gobolka ay qaraxyada ka dhaceen waxa ay kula dagaalamayeen muddooyiinkii ugu dambeeyay kooxda IS.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo muddo bilooyiin ah lala bartilmaameedsado goobaha ay dowladda gacanta ku hayso.

Kooxda la baxday dowladda islaamka ayaa iyagu gacanta ku haya dhul ku yaalla waqooyi magaalada Sweida.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment