594 Views

Laamaha Amniga Qoryooleey gacanta ku dhigay Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa

Laamaha Amniga Qoryooleey gacanta ku dhigay  Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa
____________________________________________________________________________



Jimco: September 3, 2021

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooleey  ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay   gacanta ku dhigeen Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha.

Qabashada Ninkaan ayaa timid kaddib markii Ciidamo howlgallo ka waday Degmada Qoryooley uu ka dul dhacay Ninkaan oo magaciisa ay qariyeen Hay’adaha Amniga sabab la xiriirta baaristiisa oo aan soo dhammaan.

Ninka lagu qabtay isagoo iibinayo Hilibka Waraabaha ayaa laamaha Amniga u sheegay in ka ganacsiga Hilibka Waraabaha qoryooley uu mooday in ay bannaan tahay sidaasna uu mar kasta uga ganacsan jiray.

about:blank Sidoo kale Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Qoryooley waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka in ay wadaan baaris dheeraad ah si ay wax uga qabtaan in suuqyada Hilibka lagu iibiyo la geeyo Waraabaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post