882 Views

Guddoomiye Sanyare “ Dadka madow-madow waa dad kharriban Product ma leh

Guddoomiye Sanyare “ Dadka madow-madow waa dad kharriban Product ma leh
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadal ka jeediyay munaasabaddii lagu doortay maamulka degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug, ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay Canshuurta bixiyaan, si loogu fuliyo hirgelinta adeegyada dowliga ah.

Guddoomiye Sanyare ayaa ku boorriyay shacabka degmada Jarriiban in ay maamulka cusub kala shaqeeyaan horumarinta degmada taas oo sida uu sheegay ku imaan karta in la bixiyo Canshuurta si loo socod-siiyo shaqada maamulka ee dhinacyada xaqiijinta Amniga iyo horumarinta.

Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in aysan waxba ka sugin hay’adaha Samafal oo keliya, balse ay iyagu isku-tashi sameeyaan, waxaana uu tilmaamay in deeqda laga keeno dibadda ay tahay Canshuur ay bixiyeen dadka ku nool dunida horumartay.

Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale, wuxu ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha Samafalka oo la weydiiyo waxay dadka u qabanayaan iyo halka ay ka yimaadeen, islamarkaana aan la ogolaan hay’ad aan sharciyad ka haysan dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post