1110 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo haatan ku sugan Magalada Muqdisho.

 

Wasiir Sabriye ayaa horay dhowr maalmood ugu sugnaa Magaalada Dhuusamareb, isaga oo qeyb weyn ka qaatay heshiiskii Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug iyo Dowladda federaalka,isla markaana uu dadaal u galay xalinta dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug.

 

 

 

U jeedada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in la filayaa in Maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga qabashada Shirka dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug.

 

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa saakay laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxaana sidoo kale Magalada Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment