849 Views

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan  haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.

“Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Suudaan, Therese Loken Gheil,waxaana ku faraxsanahay in ay soo booqato safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,waxaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq.

Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post