3162 Views

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan AL-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin buundada Dariiq ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabaay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Barta Koontorool lagu dilay laba Askari.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah fahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland holwgal ay duleedka Kismaayo ka sameeyeen ay kusoo qabteen madaxii Macluumaadka MShabaab  ee aaga Kismaayo  Ugaas Aadan Mohamed (Dhakalow)

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post