1263 Views

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

 Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay abaaro baahsan oo ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan kuwo hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xaruntaas, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka degaanada.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro darran ay ka jiraan degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ee Mudug, isla markaana saameyn xoogan ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Waxaa uu Duqa Gaalkacyo sheegay in dadka ay abaarto heysto ay u baahan yihiin in gargaar la gaarsiiyo, maadaama aysan heysan wax ay cunaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dadka beeraha lahaa uu sanadkaan Ayax ka xaalufiyey dalagoogii ay beerteen.

Duq Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Fedeeaalka, Maamulka Galmudug, Hay’addaha Samafalka iyo dadka wax haysta inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka abaaraha ku saameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana abaarta ugu adeg ay ka jirtaa Gobolada Maamulka Jubbaland, iyadoona ay la’deen xoolo badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post