1818 Views

Wasiir Cawad oo ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha Safiirka cusub ee France

Wasiir Cawad oo ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha Safiirka cusub ee France
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, 2018 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-Menager.

Isaga oo ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, Wasiir Axmed Cawad waxa uu rajo ka muujiyay in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France.

Safiiradda France Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

 

03 01 03

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment