714 Views

Kaaliyaha dhaxal sugaha Ingiriiska oo xilka iska casilay kadib markii bilad la siiyay nin u dhashay Sucuudiga

Kaaliyaha dhaxal sugaha Ingiriiska oo xilka iska casilay kadib markii bilad la siiyay nin u dhashay Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Gacan yarihii hore ee dhaxal sugaha Ingiriiska, Prince Charles, ayaa si kumeel gaar ah ugga dagey jagadii madaxa, ee uu ka hayey hey’adda The Prince Foundation, ka gadaal markii lagu eedeeyey inuu ka caawiyey helitaanka bilad sharafeed nin u dhashey Sucuudiga, oo hey’addani dhaqaale badan uggu deeqa.

Michael Fawcett, ayaa kusoo biirey hey’addani ku shaqeysa tabarucaadka saddex sano ka hor. Warbixin uu qorey wargeys, ayaa ku eedeysay Michael inuu u qalqaaliyey ganacsade Mahfouz Marei Mubarak bin Mahfous, bilad sharafeed la guddoon siiyey sanadkii 2016-kii.

Mr Mahfouz, ayaa ku gacan seyrey inuu ku kacey anshax xumo, iyadoo ganacsadaha Sucuudiga lagu soo waramayo inuu uggu yaboohay lacag fara badan, mashaariic dano gaar ah ay uggu jiraan Prince Charles.

Hey’adda ayaa sheegtay in eedeytani ay u qaadaneyso arrin weyn, iyadoo hey’addu tilmaantey iney ku sameyneyso baaritaan dhab ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post