684 Views

Taalibaan oo ku ammaantay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan

Taalibaan oo  ku ammaantay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 1, 2021

Taalibaan ayaa ku ammaantay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan Talaadadii shalay, kuna tilmaantay ku soo laabashadoodii awoodda inay “cashar weyn u tahay kuwa kale ee ku soo duula,” iyagoo ku boorriyay Mareykanka iyo adduunka intiisa kale inay aqoonsadaan xukunka Taalibaan.

Afhayeenka guud ee Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa hadalkan sheegay saacado kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee milateriga Mareykanka ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Kabul.

Mujaahid, mar uu warfidiyeenka kula hadlayey laamiga ay ka duulaan diyaaraduhu, wuxuu u hambalyeeyay reer Afgaanistaan, wuxuuna ku dhawaaqay ka bixitaanka milatariga shisheeye guul ay dhammaantood wada leeyihiin.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka waxay ku duuleen dalka Koonfurta Asia ku dhawaad 20 sano kahor, waxayna Taalibaan kala wareegeen Afghanistan, kaddib markii Taalibaan u oggolaatay shabakadda argagaxisada al-Qaacida ee abaabushay bishii Sebtember 2001 weeraradii Mareykanka inay joogaan Afghanistan.

Mujaahid, ayaa isku dayay inuu meesha ka saaro welwelka mar uu garoonka diyaaradaha ee Kabul kula la hadlayay cutubka sida gaarka ah u tababaran ee Badri, wuxuuna kula dardaarmay inay si aan fudeyd laheyn ula dhaqmaan dadka reer Afghanistan.

“Si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqan dadka Afghanistan” ayuu ku yiri Mujaahid oo intaas ku daray in ciidanka Taalibaan ay yihiin u ‘adeegayaal’ shacabka Afghanstan, isla markaana aysan culeys saari doonin dadweynaha.

Afhayeenka Taalibaan, ayaa dhinaca kale sheegay inay doonayaan inay xiriir wanaagsan oo diblomaasiyadeed la yeeshaan Mareykanka iyo adduunka intiisa kale, isagoo sheegay in Afghanistan ay u baahan tahay kaalmo caalami ah, si looga gudbo dhibaatooyin badan kaddib 40-sano oo dagaal ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post