699 Views

Dowladda Qatar oo beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya u soo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda

Dowladda Qatar oo  beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya u soo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Dowladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Sidoo kale waxay iska fogeysay inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, islamarkaana ay taageerada qarsoodiga ah ee dowladda usoo mariso asiga, sida uu hore ugu eedeyay safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post