1119 Views

DFS oo faah faahisay sababta Kenya ugu ololeyneysay qaraarkii la laalay

DFS oo faah faahisay sababta Kenya ugu ololeyneysay qaraarkii la laalay
____________________________________________________________________________

muqdisho | QOL | Ogoosto 29, 2019 –Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay arrinteda iska aheyd mid cad kaas oo ku saabsanaa in Al-Shabaab lagu daro Liiska Caalamiga ah ee waxa loogu yeero argagaxisada.

 

Waxaa uu sheegay in ay horay u jireen qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab,hayeeshee xilligaan aysan muuqanin mid akle lagu soo daro.

 

Waxa uu hdalkiisa inatasi ku daray in hadii ay Kenya daacad ka tahay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab kaliya uu ku filan yahay qaraaarkii hore ee Qaramada oo ahaa 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

 

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment