1965 Views

Anthony Blinken” Mareykanku waxaa uu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya”

Anthony Blinken” Mareykanku waxaa uu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20da Maarso, 2021Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Somalia in ay dhinac iska dhigaan ujeedooyinkooda siyaasadeed isla marka ay qabtaan doorasho hufan oo xalaal ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Marakanka Anthony Blinken ugu baaqay madaxda fedraalka Somalia iyo madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah inay dhinac iska dhigan ahdaaftooda siyaasadeed ee kooban, sida u tilmaamay isla markaana ay gutaan waajibka ka saaran shacabka Soomaaliyeed, si degdeg ahna ugu heshiyaaan qabashada doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.

“Mareykanku uu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taas oo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo qatar ku ah amniga, xasiloonida, iyo horumarka dalka.”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya inay dhinac iska dhigaan ujeedooyinka siyaasadeed ee cidhiidhiga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna ogolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay,” ayuu Blinken hadalkiisa kusii daray.

Soomaaliya waxay seegtay waqtigii loo qabtay inay ku qabsoonto doorashada ugu dambeyn 8-da Febraayo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu ka dagi lahaa xilka, taas oo xiisad dastuuri ah ka dhalisay dowladdii markii horaba taag darneyd.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post