888 Views

Qarax ka dhacay guri ay Al-shabaab ku Diyaariyaan qaraxyada oo ku yaala degmada Qoryoolay

Qarax ka dhacay guri ay Al-shabaab ku Diyaariyaan qaraxyada oo ku yaala degmada Qoryoolay
____________________________________________________________________________

June 8 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay tuulo hoostagta degmada Qoryoolay ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Aala-footow ee dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir ka xigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa shaacisay in qarax uu si gaar ah kaga dhacay xaruntii Al-shabaab ay ku farsameen jireen qaraxyada oo ku taala gobolka shabeellada hoose.

Sidoo kale Xarunta qaraxyada lagu farsameynayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiill ajaaniib iyo Soomaali ah iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo dhamaantooda goobta ku geeriyooday, kadib markii xiligaasi ay ku howlanaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa.

Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu shalay ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post