1005 Views

Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday Afar Guddoomiye degmo

Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday Afar Guddoomiye degmo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 11, 2021 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir, iyada oo si kumeel gaar ah gudoomiyeyaal loogu Magacaabay degmooyinkaas.

Wareegto kasoo baxday xafsiika duqa Muqdisho oo uu Warbahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa waxa lagu shegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada  Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (  Kaaraan) balse uu kusimaha Guddoomiyaha sii ahaan doono Deeq Xasan sheekhow oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka degmada ee dhanka Amniga.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday  Guddoomiyihii  degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, waxaana xilkasi kusime kasii ahaan doona Maxamed Axmed Iidoow oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka degmada ee dhanka Amniga.

Guddoomiyihii degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa xilkii laga qaaday, waxaana kusimaha gudoomiyaha sii ahaan doono ilaa mid cusub laga soo Magacaabayo Jamaal Cali Maxamed oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka degmada ee dhanka Amniga.

Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle, waxaana  Guddoomiyaha Cusub ee degmada Hiliwaa loo Magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada aad loogu hadal haayay in xilalka laga qaadi doono qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, taasi oo rumoowday.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post