723 Views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ku baaqay in xabad-joojin gobolka Tigreeda

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo  ku baaqay in xabad-joojin gobolka Tigreeda
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale ku baaqay in xabad-joojin deg deg ah laga dhaqan geliyo gobolka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya, halkaasi oo ciidamada dowladda iyo fallaagada gooni-u-goosadka Tigreeda ay ku dagaallamayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore.

Antonio Guterres ayaa xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigreeda ku tilmaamay “cadaab”, wuxuuna sheegay in hay’adaha samafalku ay u baahan yihiin in shuruud la’aan loo ogolaado in ay gobolkaasi ka hawlgalaan.

Waxa uu cambaareeyay tacaddiyada dhanka galmada ah ee loo geysto dumarka gobolkaasi.

Guterres oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada New York, ayaa sheegay in awood milatari aan marnaba lagu xallin karin colaadda gobolkaasi ee ku fidday gobollada deriska ah.

Malaayiin qof ayaa colaadda dalkaasi ku barakacay, halka boqolaal kun oo kale ay wajahayaan macalluum.

Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmayo maalmo uun kaddib markii hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ay militariga dalka Itoobiya iyo xulafadooda ku eedeysay “kufsi aad u baahsan oo dumar loogu geystay gobolka Tigray.”

Amnesty International waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay “arrintaasi ka dhigteen xeelad cusub oo ay u adeegsadaan dagaalka”.

Hay’addani ayaa sheegtay in tacaddiyadii ka dhacay waqooyiga dalkaasi sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday ay la mid yihiin dambiyo dagaal.

Amnesty waxay sheegtay in ay heysto “caddeymo waaweyn” oo muujinaya in xad gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday.

Colaadda Itoobiya ayaa horraantii bishan yeelatay weji cusub kaddib markii ra’iisalwasaare Abiy Axmed uu ugu baaqay shacabka in ay ku biiraan militariga, si ay ula dagaallamaan xoogagga Tigreeda, waxa uu sidoo kale ciidamada Tigreeda ku eedeeyay in ay qoranayaan carruur askartooda ka mid noqonaya, in ay dumarka kufsadaan iyo in ay hor istaagaan gargaarka bani’aadannimo.

TPLF, oo dowladda ay u aqoonsatay tahay urur argagixiso ah, balse iyadu sheeganeyso in ay tahay dowladda rasmiga ah ee gobolka Tigreeda, ayaa dowladda dhexe ku eedeysa in ay adeegsaneyso “hadallo sun ah” oo ka dhan ah dadka gobolkaasi, ayna mas’uul ka tahay xayiraadda ka dhanka ah gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, hoggaanka Jabhadaha TPLF iyo OLF-SHANE ayaa shaaca ka qaaday in ay ku heshiiyeen in is-baheysi mideysan ay sameystaan oo ay kula dagallamaan dowladda Abiy Axmed uu hoggaamiyo ee Itoobiya.

Hoggaamiyaha Ciidamada Jabhadda OLF, garabka Shane, Kumsaa Diribaa, oo wakaaladda wararka AP u warramay iyo hoggaanka TPLF, Debretsion Gebre-Michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Ruters, waxay sheegeen in labadasi Jabhadood ay ku heshiiyeen inay mideeyaan dagaalka ay dowladda Itoobiya kula jiraan.

Dowladda Itoobiya waxay marar badan sheegi jirtay in labadasi jabhadood ay yihiin kuwa halis ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka, xiriina uu ka dhaxeeyo.

Baarlamaanka Itoobiyana ayaa muddo bilo ka hor ah, labadaasi jabhadood u aqoonsaday in ay yihiin uruuro argagixiso.

Jabhadda OLF-Shane oo ka dagaallanto galbeedka iyo koonfurta deegaanka Oromiya, waxay dowladda Itoobiya ku eedeyneysay in ay ka dambeysay weerarrada isir beegsiga ah ee ka dhaca galbeedka dalkaas, waxaana heshiiska labadani dhinac ay ka dhigan tahay in colaadda dalkaasi ay yeelatay weji kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post