1047 Views

Shacab dhigay Banaanbax ka dhan ah Caleema saarkii Axmed Madoobe

Shacab dhigay Banaanbax ka dhan ah Caleema saarkii Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Qaar kamid ah Shacabka ku nool degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax ka dhan ah Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam.

 

Dadka banaanbaxa dhigayey oo isugu jiray Odayaal, Haween iyo Carruur  ayaa waxaa ay kasoo horjeedeen Xaflada shalay lagu caleema saaray Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa aad u dhaliiley madaxdii ka qeyb-gashay xaflada sigaar ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Sidoo kale qaar kamid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo sheegay in uu Kismaayo u tegay iska horkeenka Shacabka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

 

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo aysan aheyn doorasho,isla markaana iyaga oo kaashana Madaxda dowladda Federaalka ay doorasho ku qaban doonaan degmada Garbahaareey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment