2418 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Lagu soo Dhaweeyay Magaaladda Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Lagu soo Dhaweeyay Magaaladda Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jun ,3, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto. Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Ra’iislu Wasaaraha Soomaaliya iyo waftigiisa waxaa goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

rw-khayre-baydhabo-7 rw-khayre-baydhabo-6 rw-khayre-baydhabo-5 rw-khayre-baydhabo-4 rw-khayre-baydhabo-3 rw-khayre-baydhabo-2 rw-khayre-baydhabo-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment