2532 Views

Madaxda Dalalka deriska la ah Soomaaliya oo maanta ku shiraya Nairobi

Madaxda Dalalka deriska la ah Soomaaliya oo maanta ku shiraya Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Waxaa lagu waddaa in maanta oo Axad ah uu dalka Kenya ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta  waxaana uu isugu yeeray Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxaa uu socon doonaa Shirkaan Muddo labo maalmood ah, waxaana lagu waddaa gabagabadda in laga saaro qodobo ay ka mid yihiin Shaqadda Ciidamada AMISOM ay ka waddaan Soomaaliya.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka hadlay sheegay in dalalka qaar ay dhabar jebin ku hayaan guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waddaa in ay shirka ka jeediyaan Khudbado ay kaga hadlaayaan dagaalka Al-Shabaab iyo howlgalka AMISOM.

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment