2832 Views

Soomaaliland Oo Dr Abiye Axmed Ka Codsatay Dhax Dhaxaadinta Soomalilad Iyo Soomaaliya

Soomaaliland Oo Dr Abiye Axmed Ka Codsatay Dhax Dhaxaadinta Soomalilad Iyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 30, 2018 —Maamulka Somaliland ayaa ra’isalwasaaraha Itoobiya ugu baaqay in uu faragelin ku sameeyo xaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u dhaxeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in Abiye ay ka dooneyso in uu xalliyo khilaafka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland,isaga oo qaadaya waddadii uu u maray heshiiskii uu la gaaray Eritrea iyo heshiis uu kala dhex dhigay Eritrrea iyo Jabuuti.

Axmed Xasan Cigaal Wakiilka Somaliland ee Adis ababa oo u warramay Wakaaladda wararka Walta ee dalka Itoobiya ,ayaa sheegay in Abiye ay ka rajeynayaan in uu horseed u noqdo aqoonsi ay Somaliland ka hesho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed ayaa sheegay in Abiye uu bur buriyay buuro iyo darbiyo adag oo ku xeernaa Itoobiya iyo Eritrea sidoo kalena ay ka doonayaan in dhinaca Somaliland uu sidaas oo kale ka sameeyo.

Waxaa kale oo uu sheegay in Abiye Axmed uu ka rajeynayo in uu noqdo Ra’isalwasaaraha ugu horreeya ee aqoonsi caalami ah siiya Somaliland.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment