1056 Views

Ciidamada Galmudug oo fariisimo cusub ka sameystay Duleedka degaanka Bajeele ee Gobolka Mudug

Ciidamada Galmudug oo  fariisimo cusub ka sameystay Duleedka degaanka  Bajeele ee Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

Wararka ka imaanaya magaalada galkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo shabaab looga hor tagayo Dagaalada uu ku soo qaado Gobolkaas.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 21 aad ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan koofurta gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka.

Ciidamada ayaa fariisimo cusub ka sameystay degaanka Bajeele ee gobolka Mudug, iyadoo bulshada degaanadaas ku dhaqan kala hadleen ka wada shaqeynta amniga  iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo marraka qaar Xubno ka tirsan ay tagaan degaankaas.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u shegay in ujeedka howlgalka uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada Gobolka Mudug, isla markaana ay adkeeyaan Amniga.

Sidoo kale Degaan ka tirsan koofurta gobolka Mudug ayaa waxaa horay ugu dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab, waxaana Ciidamada ay howlgallada kula wareegeen degaano dhowr ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post