1113 Views

Madaxweynaha Punland oo aqbalay in markii ugu horeysay yimaado Muqdisho ka dib doorashadiisii 2019.

Madaxweynaha Punland oo aqbalay in markii ugu horeysay yimaado Muqdisho ka dib doorashadiisii 2019.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan soo gaaro Magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya ka dib casuumaad uu ka helay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku sheegay in uu booqasho ku tegi doono Muqdisho kadib heshiis dhexmaray Puntland iyo wafdigii dowlada Soomaaliya u dirtay Magaaladda Garowe ee Caasimada Maamulkaasi.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta oo Khamiis ah ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gorowe.

 

Punland ayaa waxaa wali ku sugan wafdi ka socda Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad.

 

Dani oo Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January sanadkii 2019,waxaana mudadii ka dambeysay doorashadiisa uusan imaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,waxaana jiray khilaaf xoogan oo kala dhexeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

 

Imaatanka Deni ee Muqdisho ayaa waxaa yimid ka dib kulamo Garowe ku dhexmaray Wasiiro ka socda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni oo looga hadlay Khilaafka Dowladda iyo Maamulkiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment