345 Views

Indonesia: 127 qof oo ku dhintay rabshado ka dhashay ciyaar Kubadeed

Indonesia: 127 qof oo ku dhintay rabshado ka dhashay ciyaar Kubadeed
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 2, 2022

Inta la xaqiijiyey 127 qof ayaa ku dhintay halka 200 oo qof oo kalena ku dhaawaceen ka dib rabshado ka dhashay ciyaar Kubadeed ka dhacday dalka Indonesia.

Rabshadaha ayaa yimi ka dib cayaar dhex martay kooxaha lagu kala magacaabo Arima FC iyo Percy Baya kuwaas oo ku wada dheelayey garoon ku yaalla Bariga Java. 

Cayaarta oo ahayd mid ay xaadir ahaayeen 3000 oo qof ayaa mar kale isu rogtay dagaal ka dib markii saddex gool loo dhiibay kooxda Arima FC taas oo taageerayaasheedu xoog ku soo galeen goobtii cayaartu ka socotay.

Waxana intaa ka dib bilaabmay isku dhac dhex maray Ciidankii Booliska iyo taageerayaashii guul darrada ka gadooday. Dhimashada iyo dhawaaca ayaa ilaa hadda sii kordhaya iyada oo deegaankuna bandow yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post