1038 Views

Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo laga xusay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Munaasabad lagu xusayay Maalinta  Caalamiga ee  Xaquuqul Aadanaha  ee  ku beegan  10-ka  December  Maanta oo kale  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha.

 

Munaasabadda  ayaa waxaa  ka soo qeybgalay  Mas’uuliyiin ka tirsan   Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana  halkaasi  lagu soo bandhigay  ruwaayado  iyo Suugaan  ka turjumaysay  muhiimadda  ay  leedahay  Xaquuqul  Insaanka .

 

Guddoomiyaha Hay’adda Golaha Naafadda Qaranka Sayid Cali Cabdullaahi iyo Agaasimaha Naafadda gobolka Banaadir Axmed Xasan ayaa waxay uga mahad celiyeen Wasaaradda Haweenka si ay u garab taagan tahay dadka Naafada ah,iyagoona Wasaaradda ka codsaday iney sii xoojiso ka warqabka dadka Naafada ah iyo sidii waxbarasho iyo shaqo loogu heli lahaa.

 

Canab Xasan Cilmi iyo Faadumo Gariin oo ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday arrimo badan oo ku saabsan dacadiyada ay la kulmaan Haweenka iyo sidii Haweenka Soomaaliyeed qeyb kaga noqon lahaayeen siyaasadda dalka.

 

Ugu dambeyntii,Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Deeqo Yaasi Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sharciga xadidiya joojinta dhibaayooyinka ay la kulmaan Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii loo meel marin lahaa sharcigaas ee ay diyaarisay Wasaaradda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment