1215 Views

Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne u diray Xukuumadda

Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne u diray Xukuumadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamuud ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Shacabka Magaalada Beledweyne.

 

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xukuumada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsato dadka uu ku fatahay Wabiga ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne.

 

Bukhaari ayaa soo saaray baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne waxaana uu u qornaa sidaan:

 

Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

 

Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

 

Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

 

Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

 

Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment