1023 Views

Tony Blair oo maanta laga billaabo magaciisa laga hormarinayo darajo cusub oo ah ‘Sir Tony’

Tony Blair oo maanta laga billaabo magaciisa laga hormarinayo darajo cusub oo ah ‘Sir Tony’
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Tony Blair, Duches Cornwall iyo Baroness Amos ayaa lagu wadaa in loo magacaabo mid ka mid ah darajooyinka qadiimka ee ay boqoradda Ingiriiska bixiso dad gaar ahna la siiyo.

Ra’isal wasaarihi hore ee Ingiriiska Tony Blair wixi hadda ka dambeeya waxaa magaciisa laga hormarinayaa ‘Sir Tony’.

Darajada la siiyey Tony Blair ayaa ah mid ku timid rabitaanka iyo go’aanka gaarka ah ee boqoradda, iyada oo seddexda qof ka dhex dooratay 24 qof oo loo soo xulay darajadaas.

Baroness Amos, oo ka mid ahaa golaha wasiirrada ee ka soo jeeda xisbiga Labour ayaa noqday qofki ugu horreeyey oo madow ah oo darajada ay boqoradda bixiso gaaro.

Abaalmarintan sida gaarka ah ay boqortooyada bixiso ayaa soo billaabatay 1348, iyada oo shaqsiyaadka darajadaasi la siiyo lagu soo doorto howlaha ay qaranka u soo qabteen iyo adeegga ay bulshadu siiyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post