846 Views

Booliska Ruushka oo xiray 200 oo qof oo mucaarad ah oo ka hadlaysay doorashada

Booliska Ruushka oo xiray 200 oo qof oo mucaarad ah oo ka hadlaysay  doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Booliiska Ruushka ayaa xirxiray boqolaal ruux oo ku shirsanaa hoteel isla markaan isaga kala yimid dacallada dalkaas, kulanka ayay ugu diyaar garoobayeen doorashooyinka deegaanada ee dalkaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa canbaareeyey, xarigga lagula kacay 200 oo qof oo ka mid mucaaradka Ruushka. Qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay inuu ku baaqayo in la soo afjaro gaboodfallada ka dhanka ah dadka sida madaxa bannaanka codadkooda u muujinaya.

Dadka ay booliska xireen ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Mucaaradka oo ku sugnaa hoteelka ay booliska u dhaceen. Booliska ayaa la sheegay inay xireen dhammaan dadkii ku sugnaa halkaasi.

Sida laga soo xigtay booliska, sharciyada fayraska corona ayaa la jabiyay, waxaana munaasabadda isku soo dubariday urur aan loo baahnayn.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay weli sii socdaan weerarrada ka dhanka ah munaasabadaha mucaaradka ee la xiriira doorashooyinka.

Bishii la soo dhaafay hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny, ayaa la xiray ka dib markii lagu soo eedeyay inuu jebiyey shuruudihii xabsi ciqaabeed ee ganaaxa isagoo Jarmalka u joogay ka soo kabashada weerarkii sunta neerfaha ee lagu eedeeyay Aqalka Kremlin-ka.

Xubnaha sarsare ee mucaaradka oo ka socday daafaha Ruushka ayaa ka qeyb qaadanayay shirkii Moscow ay booliska bartilmaameedsadeen. Xubnahaan ayaa ka arrinsanayay istiraatiijiyadda doorashooyinka baarlamaanka ee dhacaya Sebtember.

Warbixin laga soo daayay telefishinnada ayaa muujinaysa mucaaradka oo lagu guraya gawaarida booliska waxayna sheegeen booliska in dadka la xiray aysan wadan qalabka gaarka ah ee loogu talagay difaaca fayraska corona, sidaa darteedna ay jabiyeen shuruucdii fayraska.

Ururka aan loo baahnayn ee ka midka ahaa shirka ayuu booliska ku sheegay Open Russia.

Open Russia waxaa UK ku aasaaay Mikhail Khodorkovsky, oo mucaarad ku ah madaxweyne Vladimir Putin.

Khodorkovsky ayaa 10 sannadood xabsi ku jiray, waxayna qareenadiisa sheegeen in kiiska lagu soo oogay uu yahay mid been abuur ah.

Hase Yeeshee waxaa markii dambe cafis u fidiyay Putin.

Ururka Open Russia waxaa mas’uuliyiintu ku eedeeyeen inuu jabiyay shuruucda Ruushka ee mamnuucaya kooxaha ajaanibta ah ee loo arko inay siyaasadaysan yihiin wuxuuna ururka ka mid noqday ururo dhowr ah oo lagu tilmaamay kuwa aan loo baahnayn.

Laakiin mid ka mid ah shakhsiyaadka mucaaradka ee shirka joogay, Andrei Pivovarov, ayaa sheegay in runti ay kulanka soo abaabuleen koox loo yaqaan United Democrats.

Mucaaradka xabsiga loo taxaabay ayaa la filayaa in la ganaaxo ama ay muddo ay ku jiraan jeelasha.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post