141 Views

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Xusaya 80-guuradii Aasaaskiisa 20-ka December

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Xusaya 80-guuradii Aasaaskiisa 20-ka December
____________________________________________________________________________

Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 80-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii, markaas oo la unkay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,isagoo soo maray marxalado kale duwan muddaada 80-ka sano ah.


Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay Allah unaxariistee General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo taliyihii hey’adda Sirdoonka Soomaaliya, wareysi gaar ah uu siiyay xilligaas.
Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.


Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie.


1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed.


Sanadii 1960-kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.


1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.


Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada.


October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu Maalinta Booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay.


Sanadii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya, Booliisku waxaa uu lahaa goobo Tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska.


Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade.


Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka.


Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin.


Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa uu soo marayay marxalado kale duwan, waxaana la oran karaa maanta oo 80 sano laga joogo markii la aasaasay burburkii kadib, waxaa ay qabteen shaqo hufan, taas oo laga dareemayo isbedelka amniga ee dalka iyo sida ay ula howlgalaan ciidamada Booliis Milari iyo Nabad sugidda qaran oo siweyn isbedel u sameeyay.

Hoggaamada Ciidamada Boliiska

1-Hoggaanka Maaliyadda

2-Hoggaanka Saadka

3-Hoggaanka Tababarada

4-Hoggaanka Dab damiska.

5-Hoggaanka Caafimaadka

6-Hoggaanka Isgaarsiinta

7-Hoggaanka Dhismaha

8-Hoggaanka Gaadiidka

9-Hoggaanka Nabad-sugidda

10-Hoggaanka Ciidanka

11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

12- Hoggaanka barista dembiyada .

13-Hoggaanka Ilaalinta waddooyinka

14-Hoggaanka Dib u dhiska ciidanka

_______________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post