837 Views

Ku dhowaad 600 arday oo sanadkan ka qelin jebiyey Jaamacadda Benaadir (Sawirro) 

Ku dhowaad 600 arday oo sanadkan ka qelin jebiyey Jaamacadda Benaadir (Sawirro) 
____________________________________________________________________________

Xaflad ballaaran oo loo sameeyey boqolaal arday oo ka qelin jebisay 10 ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, Waalidiin, wakiilo ka kala socotay Heyaddo kala duwan, Jaamacadaha kale qaarkood, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabadan socotay ayaa fanaaniin Soomaaliyeed waxay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso iyo suugaan kale oo ka turjumeysay qiimaha waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Max’uud Xassan Biday oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin faraxadeed, uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana naga qelin jebineysa dufcadii 14aad oo ka kooban arday tiradoodu gaareyso 589 arday oo ka soo baxay 10 ka mid ah 12-ka Kuliyadood ee Jaamacada Benaadir” ayuu yiri Gudoomiye Biday oo dhinaca kale mahad celin ballaaran u soo jeediyey waalidiintii garab taagnaa ardayda qelin jebisay. Maamulka Jaamacada iyo Macalimiintii heerkan soo gaarsiiyey ardayda qelin jebisay oo uu ugu baaqay iney waxbarashadooda sii wataan, aysana qelin jebinya u qaadanin iney waxbarashadii dhamaatay.

Dhinaca kale, Gudoomiye Biday ayaa Mahad celin gaar ah u diray heyadda Hormuud Salaam Foundation oo uu sheegay iney noqotay heyaddii ugu horeysay ee ka soo jawaabtay sanduuqii dhaqaale ee Jaamacadu u sameysay ardaydii ku dhimatay kuna dhaawacantay qaraxii sanadkii hore dabaqaayadiisii ka dhacay Ex-control Afgooye, isagoo Heyadaha kale, Shirkadaha, ganacsatada iyo dadka muxsiniinta ah ugu baaqay iney ku daydaan.

Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa hambalyada ardayda qelin jebisay ka sokow waxaa uu sheegay in Jaamacada Benaadir ay iskugu tageen aqoonyahano iyo dhaqaatiir ka soo baxay, Macalimiina ka soo noqday Jaamacadii hore ee Ummadda, taasoo uu sheegay iney tilmaan cad u tahay heerka ay ka joogaan horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somalia Xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna ku dheeraaday taariikhda Jaamacadda Benadir iyo sida ay ugu soo gudubtay xaalado adag oo soo wajahay intii ay jirtay, wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney dedaal badan muujiyeen.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Somalia Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa isna sheegay inuu farxada iyo hambalyada la wadaagayo ardayda aflaxday, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Jaamacada Benadir oo uu sheegay iney soo saartay 30 sano ka dib dufcadii 2aad aqoonyahano bartay cilmiga iyo kheyraadka dhulka oo uu xusay iney dalka aad ugu yar yihiin, kuna soo beegmeen xili aad loogu baahnaa, maadaama ay Somalia dedaal ugu jirto mustaqbalka dhow iney soo saarto shidaalkeeda.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumada Somalia  Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa isna markiisa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qelin jebisay, isagoo xusay inuu sidoo kale farxada la wadaagayo waalidiinta iyo maamulka Jaamacada Benaadir.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas si la mid ah dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri wasiirka oo kula dardaarmay aqoonyahanada qelin jebiyey iney dedaalkooda waxbarasho halkiisa ka sii wadaan.

Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa dhinaca kale ka waramay dedaalka Wasaaradiisu u soo gashay, welina ugu jirto Horumarinta, waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka oo illaa hadda uu xusay iney ka gaareen guulo la taaban karo, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay had iyo jeer garab taagan tahay Jaamacadaha gaarka ah ee dalka.

Hadalo isugu jiray soo dhoweyn, hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Mu’sasada Benaadir Maxamed Dheere, Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Benaadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Guddoomiyaha heyadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Madaxa Hormuud Salaam Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan, Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Senator Prof. Maxamed Cismaan oo ka tirsan Aqalka sare, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaarada dastuurka DF Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Guddoomiyeyaashii hore ee Mu’asasada iyo Jaamacada Benaadir, Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) iyo Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Dr. Tahliil Cabdi Afrax iyo xubno kale.

Ugu dambeyn Wasiirada iyo madaxdii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa waxay shahaadooyin ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay Kuliyadaha Jaamacadda Banaadir ee kaalimaha hore galay, waxayna xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post