831 Views

Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda DG & Maamulka Gobolka Banaadir oo10 September 2020 ku shiraya Muqdisho!

Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda DG & Maamulka Gobolka Banaadir oo10  September 2020 ku shiraya Muqdisho!
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 08 2020
—10  September 2020, waxaa Magaaladda Muqdisho ka furmaya shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweyne-yaasha Dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir sida ay shaacisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaan lagu dhameystiri doono Shirkii Dhuusamareeb 3 ayna ka qayb galayaan dhamaan Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10ka Sebteembar shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3” ayaa lagu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxweyne-yaasha  Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maalinta berri shir uga furmi doono Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed kaas oo ay uga hadlayaan adkaynta qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxaa sidoo kale mudo todobaad ah ku sugan magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo kasoo horjeedda qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb3,waxa ayna kulamo la qaateen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, gudoomiyaha Aqalka sare iyo ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post