153 Views

Maareeyihii hore ee Dekada “Awoodii & saameyntii Shabaab waxba iskama beddelin (DOOD-WADAAG)

Maareeyihii hore ee Dekada “Awoodii & saameyntii Shabaab waxba iskama beddelin (DOOD-WADAAG)
____________________________________________________________________________

Sebti, 30 December (Qaranimo Online) Dr. Cumar Axmed Weheliye oo soo qabtay xilka Maareeyaha Dekadda Muqdisho bartamihii sannadkii 2006-dii, xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxkamaduhu ay la wareegeen gacan ku haynta Muqdisho & qaar ka mid ah Goboladii dalka, ayaa sheegay in awoodii & saameynta Alshabaab aysan waxba iska beddelin.

Dr. Cumar oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacada Islaamiga ah Rotterdam oo ka hadlay barnaamij aragti-wadaag ah, wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay fashilka ciidamada Dowladda ay kala kulmaan goobaha dagaalka in ay sabab u tahay khibrad yarida ciidamada & tayada hubka ay haystaan oo liita.

“Labadii Gobol ee dagaalku ka bilowday ee la yiri nimanka (Shabaab)  ha laga saaro weli sidii ayeey nimanku u joogaan’ Ayuu yiri Dr. Cumar.`

Sheekh Cumar mar uu ka hadlayay isbeddelka amniga caasimada, wuxuu sheegay in marka la barbar dhigo sida ay Dowladda Madaxweyne Xassan wax uga qabatay amniga,  Dowladdii  ka horreeysay wuxuu yiri:

“Nin aad la dirireyso oo xafiiskaagiina fadhiya waa fashilkii haystay Dowladihii hore. Dowladda Xassan in amniga ay ku guuleysato waxaa u sabab ah; Ciidamo la soo tababaray oo shaqadaas qabanaya ayaa la keenay, hay’adaha amniga awal nimanka lala diriraayo ayaa ku dhex-milnaa, hadda waa laga suuliyay,  qaar na way  carareen, qaar xabsiyada ayeey tageen, kuwa kale na haddeey joogaan xittaa uma hadli karaan sidii ay u hadli jireen”

HOOS KA DAAWA VIDEOW GA OO DHAMEYSTIRAN

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post