948 Views

SAWIRO:-Kulamo ka socda Magaalada Kismaayo

SAWIRO:-Kulamo ka socda Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada.

 

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

 

 

 

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubbaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani).

 

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u tegay  ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa intuu halkaasi ku sugan yahay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda Jubaland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment