1086 Views

Maraykanka oo Dilay Hoggaamiyihii DAACISH oo hab yaab leh ku dhintay

Maraykanka oo Dilay Hoggaamiyihii DAACISH oo hab yaab leh ku dhintay
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 3, 2022

Hoggaamiyihii ururka Daacish ayaa lagu dilay howl-gal gaar ah oo ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka.

Howl-galka lagu khaarajiyay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa fuliyay ciidanka Kumaandooska Mareykanka (Navy Seal), kadib xog sirdoon oo ay heleen.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo isku-dhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Joe Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa si toos ah u daawanayay howl-galka lagu dilay hogaamiyaha Daacish, kaasi oo dilkiisa ay dharbaaco kulul ku noqoneyso kooxdan oo hore looga saaray magaalooyiinkii ay ka xukumi jirtay ee Iraq iyo Syria.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.

“Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.

Hogaamiyaha la beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howl-gal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si lamid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.

Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

Si kastaba, Iska hor-imaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah, sida ay sheegen kooxaha gurmadka deg-degga ah.

By Asad Cabdullahi Mataan 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post