840 Views

SAWIRO:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay gobolka Gedo

SAWIRO:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 14 |  2020—Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo horleh geysay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay inay kamid noqon doonaan Ciidamada ilaalinaya Amniga xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada oo ka tirsan Guutada 17aad Ee Kumandooska Gorgor  ayaa  ka degay  Garoonka Diyaaradaha Degmada Dollow, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaananda xadbeenaadka ah ee degmooyinka, Gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo & Ceelwaaq.

Garoonka Diyaaradaha diyaaradaha degmada doolow waxaa Ciidamadan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah  Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee  Degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi & Xubno kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo horleh ku kordhisay Ciidamada jooga dhinaca Xaduudka ee u dhaxeeya Beled-Xaawo & Mandheera, kadib digniin & hanjabaad ka timid dowladda Kenya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post