948 Views

Israel oo hakin karta duulimaadyada diyaaradaheeda ee Dubai

Israel oo hakin karta duulimaadyada diyaaradaheeda ee Dubai
____________________________________________________________________________


isniin: February 7, 2022

Israel ayaa Axaddii sheegtay inay hakin karto duulimaadyada diyaaradaha Israel ay ku tagaan Dubai maalmaha soo socda, sababo la xiriira muran ku saabsan nidaamka amni, balse loo weecin karo magaalada Abu Dhabi.

Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in nidaamnka amni ee iminka ee saddex diyaaradood oo Israel ah oo u duala Dubai, kuwaas oo kala ah El Al , Israir iyo Arkia uu dhici doono Talaadada, taasi oo ku qasbeysa in wada-xaajoodayaasha labada dal inay isku raacaan mid cusub kahor waqtigaas.

Duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Imaaraatka Carabta ayaa billowday kadib markii labada dal ay yeesheen xiriir rasmi ah sanadii 2020. Boqolaal kun oo Israa’iiliyiin ayaa wixii markaas ka dambeeyey booqday Imaaraatka.

Diyaaradaha Israel ayaa waxay hoos tagaan hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet, taasi oo sheegtay in khilaaf kala dhaxeeya dhiggeeda Imaaraatdka uu hakin karo duulimaadyada, balse ma shaacin wax uu yahay.

“Haddii la hakiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai waxaa suurta-gal ah in loo weeciyo Abu Dhabi, taasi oo hadda la darsayo,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Shin Bet.

Xafiiska warbaainta Dubai kama jawaabin codsi loo diray oo la xiriiray inay arrintan ka hadlaan.

Haddii la joojiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai, waxaa ka faa’iidi doona shirkadda flydubai ee Imaaraatka oo hadda sameysa duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Tel Aviv.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post