1260 Views

R/Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada

R/Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 11, 2019 –  Ra’iisul Wasaaraaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba gebeebey shir ay Muqdisho ugu qabatay wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dadaalka iyo kulamada joogtada ah ee lagu horumarinayo kalluumaysiga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka uu leeyahay ee ka qayb qaadanaya horumarinta kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku jirta tubaha siyaadda loo dhanyahay iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa hal-beegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo Casri ah.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment