1296 Views

Booliska Soomaaliya & AMISOM oo howlgal ka bilaabay Muqdisho ka hor Bisha Ramadaan

Booliska Soomaaliya & AMISOM oo howlgal ka bilaabay Muqdisho ka hor Bisha Ramadaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2021–Ciidamada Booliska Soomaaliyeed  iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa bilaabay howlgalo roondo ah oo lagu xoojinayo amaanka magaalada Muqdisho iyadoo tani ay qeyb ka tahay qorshayaal lagu hagaajinayo amniga bisha Ramadaan iyo doorashooyinka soo socda.

Sanadihii la soo dhaafay, booliska Soomaaliyeed  iyo booliska AMISOM waxay howgallo wadajir ah ka wadeen Muqdisho iyo gobollada, waxaana howlgalka ay haatan muqdisho ka bilaabeen uu yahay xoojinta wadashaqeyntii soo jireenka ahayd sida lagu sheegay War kasoo baxay taliska AMISOM.

 “Maadaama ay bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan wadankuna sidoo kale u diyaar garoobayo doorashooyin muhiim ah, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhamaan ciidamada kale ee amaanka waxay heegan ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Kormeerka wadajirka ah waxaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo dadaallada socda ee amniga ayuu yiri” Taliyaha Saldhigga Wadajir Korneyl  Saciid Cali.

Isuduwaha Howlaha Booliiska AMISOM, DCP Daniel Ali Gwambal ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay si hufan u gutaan doorka taakuleynta dhiggooda Soomaaliya iyagoo ilaalinaya isla markaana ixtiraamaya xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

“ Ciidamada wadajirka ah, waxay si dhaqso leh u fulin doonaan, hawlgallo maalin iyo habeen ah si loo hubiyo in dadka Soomaaliyeed si nabad ah Bisha Ramadaan ugu dhameystaan, waxaan ka codsaneynaa bulshada in ay lashaqeeyaan madaama AMISOM ay siiwadeyso taageerada ay siiso booliska Soomaaliyeed dhanka qalabka, kobcinta awooda iyo tababarka. Markii aan galeyno bisha ayuu hadalkiisa sii raaciyay Isuduwaha Howlaha Booliiska AMISOM, DCP Daniel Ali Gwambal.

Howlgalkaan ay sida wadajirka ah u sameeyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kan AMISOM ayaa ku soo aaday xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorasho, waxaana Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Booliska AMISOM ay labaduba ka tirsan yihiin Guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka, oo ah laamaha amniga ee ugu sareeya ee loo xil saaray sugida amniga doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post