975 Views

Dhimashada Qarxii ka dhacay afaafka hore garoonka diyaaradaha Kabul oo gaaray 100 qof.

Dhimashada  Qarxii ka dhacay  afaafka hore garoonka diyaaradaha Kabul oo gaaray 100 qof.
____________________________________________________________________________

Jimco: August 27, 2021

In ka badan 60 qof oo reer Afghanistan ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay tobanaan kalena waa la dhaawacay markii khamiistii laba qarax oo xooggan ka dhaceen afaafka hore garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul.

Laba qof oo isqarxiyay iyo dabley ayaa weeraray dad badan oo reer Afghanistan ​​ah oo ku soo qulqulay garoonka diyaaradaha ee Kabul, kuwaas oo doonayay inay ka cararaan qabsashada Taliban ee dalka Afghanistan.

ISIL ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha Kabul, sida lagu daabacay kanaalka Telegram ee wakaaladda wararka kooxda ee Amaq.

Dagaalyahannada Taliban ayaa ilaalo ka hayey xayndaabka garoonka Kabul, xiliga weerarku dhacay.

Wadamada reer Galbeedka ayaa maalmo ka hor ka digay weerar ka dhaca garoonka Kabul, iyagoo shacabka uga digay inay ka fogaadaan halkaas.

11 maalmood gudahood tan iyo markii Taliban qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay Kabul ka daadgureeyeen in ka badan 88,000 oo qof.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post