879 Views

Puntland oo dib u dhigtay doorasho laga qaban lahaa Saddex degmo

Puntland oo dib u dhigtay doorasho laga qaban lahaa Saddex degmo
____________________________________________________________________________

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC Guuleed Saalax Barre oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa in doorashadaas la qaban doono 25-ka October 2021 oo ku beegan maalin Isniin ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga markii uu la tashaday Dawladda, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka ah & in la  Iswaafejiyo jadwalka iyo xeerarka doorashada lana Tixgeliyo jadwalka doorashada federaalk la go’aamiyay in doorashadu ka qabsoonto 3daas degmo maalinta Isniinta ah ee 25 October 2021.
Puntland ayaa dhawaan waxaa degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn ka sameeysay diiwaangelinta dadweynaha si ay deggaanada puntland uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post