960 Views

Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug oo shir lagu heshiisiinayo beelo Walaalo ah ka furtay Gaalkacyo

Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug oo shir lagu heshiisiinayo beelo Walaalo ah ka furtay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka  iyo  dib u heshiista  ee Dowlad Gobaleedka  Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka Daahfurtay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo labo beelood oo wada daga Gobolka Mudug, kuwaas oo muddooyinkii Dambe ay u dhexaysay shaqaaqooyin labada beel ee maanta Shirka dib u heshiisiinta loo qabtay.

Munaasabadda lagu daahfurayay Nabadaynta labada beel ee walaalaha ah waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladd Goboleedka Galmudug, Maamulka degmada, odoyaasha dhaqanka beelaha iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda khilaafaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Saleemaan Cabdullaahi Xasan ayaa xusay in ujeedka shirka uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa dirirta ay horey u dhex marto.

Qaar ka mid odoyaasha uu quseeyo shirkaan nabadaynta iyo xubno ka mid ah guddiyada ka shaqeeya Arrimaha Nabadda Gobolka ayaa soo dhaweeyey kulamada lagu xalinayo waxyaabihii kala gaaray, waxayna bogaadiyeen doorka Wasaaraddu ay qaadanayso dhamaynta Dhibaatada bulshada dhexdeeda.

Gaba gabadii munaasadda waxaa ka hadlay Wasiirada  Warfaafinta,  Beeraha iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradaasi Axmed Xasan Cali oo shhirka daahfuray ayaa odoyaasha ku booriyay inay xoojiyaan doorkooda nabadeynta beelaha Walaalaha ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post