837 Views

Dagaalka ka socda gobolka Tigray oo sii xoogeystay, Ciidamada Dowlada oo la Wareegay saakay goobo hor leh..

Dagaalka ka socda gobolka Tigray oo  sii xoogeystay, Ciidamada Dowlada oo la Wareegay saakay goobo hor leh..
____________________________________________________________________________

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyia Ethiopia ee u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka gobolka ee xisbiga TPLF ayaa sii xoogeystay, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo xooggan.

Wakaalada wararka caalamka ayaa werinaya in dagaalka ay ku dhinteen boqolaal askari oo labada dhinac ah, waxaana ku barakacay kumanaan shacab ah oo galay dalka Sudan.

Waxaan weli la dhageysan baaqyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan in dagaalka la joojiyo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aanu joogsan doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka maamulka Tigrayga ee xisbiga TPLF.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post