933 Views

Garabka Cabdi Xaashi oo ka soo hor jeestay ka qeybgalka munaasadda maanta..

Garabka Cabdi Xaashi oo ka soo hor jeestay ka qeybgalka munaasadda maanta..
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Waxaa lagu wadaa saakay in la soo gaban gabeeyo wada Hadaladii maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Teendhada afisiyooni.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalksa Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi  laga yaabaa inuu Maanta diido ka qeybgalka munaasadda la filayo in lagu saxiixo heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya  kadib cadaadis ay saareyn siyaasiyiin kasoo jeedo Waqooyiga.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in uu diiday in uu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin, waxaana saacaadihii la soo dhaafay arintaas ay ahayd mid taagan.

Sidoo kale Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post