738 Views

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa
____________________________________________________________________________

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo ku taal degmada Wadajir.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa beegsaday dhalinyaro taagnaa Afaafka hore ee xerada, kuwaas oo loo qorayay Ciidannimo, isla markaana doonayay inay ku tababartaan Gudaha Xerada.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena ay ku dhaawac 20 kale.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu hadalkiisa ku daray in dhalinyarada sugayeen Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof is qarxiyay, isla markaana haatan ay wadaan baaritaano dheeri ah.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qaraxyo ismiidaamin ahaa lagu weeraray Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee degmada wadajir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askarta ku tababaraneysay Xeradaas

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post