882 Views

Dabley hubeysan oo caawa ku dilay magaalada Cape-town Wiil Soomaalida ah

Dabley hubeysan oo  caawa ku dilay magaalada Cape-town Wiil Soomaalida ah
____________________________________________________________________________

Sabti: October 30, 2021

Wararka ka imaanaya caawa dalka K/afrika oo Noqotay kawaanka dhalinyarada soomaaliyeed ayaa sheegaya Dabley hubeysan ay caawa ku dilay magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida ka xoogsada dalkaas.

ALLAHA u Naxariistee Cabdinaasir Max’uud Cabdi ayaa lagu dilay xaafada M/Plain ee magaalada Cape-town ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan sida laga soo xigtay Soomaalida ku nool dalkaas.

Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray sida caadada ahayd laamaha amaaanka oo ka qaaday maydka Wiilka Soomaaliga ah goobta, waxa uuna ka mid noqonayaa Marxuumka caawa la dilay Boqolaal Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika sanadihii la soo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post