999 Views

DEG-DEG:-Dawlada Itobiya Ooo Maxaabiis Wareejinaysa

DEG-DEG:-Dawlada Itobiya Ooo Maxaabiis Wareejinaysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2021–Milliteriga dalka Sudan ayaa la filayaa inay maanta oo Isniin ah wareejiyaan in ka badan 60 Maxaabiis Ethiopian ah oo lagu qabtay iska horimaadyo ka dhacay xuduudka ay labada dal wadaagaan.

Ilo-wareedyo Milliteri oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu qorshuhu ahaa in Maxaabiistaasi oo isugu jirta Ciiddan iyo Maleeshiyo la wareejiyo Sabtidii hore, balse la hakiyey, sababo la xiriirta iyadoo loo baahday Isku-habeyn farsamo oo dheeraad ah  (more technical arrangements).

Hadal ka soo baxay Taliska Qeybta 2-aad ee Ciiddanka Lugta (Infantary) ee Milliteriga Sudan ayaa lagu sheegay inay soo gebagebeeyeen qorshaha lagu sii dayn doono 60-ka Maxaabiis ee ka tirsan Ciiddanka Ethiopia iyo Maleeshiyada Amxaarada (to release 60 Ethiopian prisoners of the army and Amhara militias).

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay muujinayaan in Munaasabadda Maxaabiistaasi lagu wareejinayo ay maanta oo Isniin ah ka dhici doonto Degmadda Al-qalabaat ee ka tirsan Gobalka Al-qadarif ee Bariga dalka Sudan, kuna dhow Xuduudka Sudan la wadaagto Ethiopia.

Saraakiisha Sirdoonka Milliteriga Sudan waxay sheegeen inay Maxaabiistaasi Ethiopianka ka soo qabteen Deegaanka Al-Fashaqa ee gudaha Xuduudka dalka Sudan, halkaasi oo ay u adeegsan jireen inay ka weeraraan Beeralayda iyo Xoolo-dhaqatada Sudanese-ka in ka badan 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa la rajeynayaa in Maxaabiista la wareejin doono iyadoo ay goobjoog ka yihiin Guddiga Ammaanka ee Gobalka Amxaarada (the presence of a security committee from the Amhara region) ee xuduudka leh Gobalka Gadaref ee Bariga Sudan.

Milliteriga Sudan waxay Tallaaabadaasi ku sheegeen inay muujinayso sida ay Sudan uga go’an tahay dhowrista Xiriirka Deris Wanaaga iyo Xoojinta Borotokoolka Wadajirka (to enforce the joint protocols)ee u dhexeeya labada dal.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post