810 Views

Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-23-2020-Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Gamudug ayaa Maanta oo Axad ah shaaciyay waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug maadaama Xildhibaannada ay fasax ku jireen.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmi doono Khamiista soo socota kuna beegan 27-ka Bishan sida ku Cad Fariinta loo diray Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay dhamaan Xildhibaannada galmudug ee ka maqan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay si deg deg ah ugu soo laabtaan si ay u bilaawdaan kulamada Baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post